Faroole & Cali Xaaji Warsame Oo Ku Wajahan Garowe.

Wararka Laga Helayo magaaladda Garowe ee Caasimadda Puntland, ayaa sheegaya In Halkaasi ay ku wajahanyihiin Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Faroole, iyo Siyaasi Cali Xaaji Warsame.

Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo ka tirsan Aqalka sare ee barlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo siyaasi Cali Xaaji Warsame ayaa Ka soo kicitimaya Magaaladda Muqdisho ee caasimada dalka.

Cabdiraxmaan Faroole iyo Cali Xaaaji ayaa ka mid ahaa musharaxiintii u tartamayay xilka madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya ee uu ku guuleystay madaxweyne Farmaarjo.

Labadan masuul ayaa horey eedeymo kulul u soo jeediyey xukuumada Puntland oo ay sheegeen in ay Puntland oo Abaaro iyo colaadi ka jirto ay madaxdoodu u Olalaynayeen qaar ka mid ah musharaxiintii u tartamaysay xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Magaalada Gorawe ee caasimada Puntland ayaa waxaa si aad looga dareemayaa soo dhawenta masuuliyiintan, Oo Saacadaha soo socda ka soo dagaya Garoonka diyaaradaha Canoka ee Magaalada Garowe

PUNTLANDTODAY