War deg deg ah:Qarax xooggan oo ka dhacay duleedka Beledweyne

Beledweyen-(P-TODAY)-Qarax miino oo goor dhoweyd ka dhacay degaanka Gambarlaawe ee duleedka degmada Beledweyne ayaa waxaa ku dhintay hal ruux 4 kalena waa ku dhaawacantay sida ay sheegayaan dadka degaanku.

Qarax ayaa lala beegsaday ciidamo ku sugnaa goob Is-baaro ah oo ay lacag kaga qaadi jireen gawaarida waddada maraya,waxaana ciidankaan lahaa sida la sheegayo maamulka degmada Beledweyn ee gobolka Hiiraan.