War deg deg ah:Cabdimaalik Muuse Coldoon oo Hargeysa lagu xiray

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa sheegaya in xabsiga la dhigay Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon .

Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo ah u dhaqaaqe dhanka bulshada ah ayaa lagu xiray magaalada Hargeysa goor dhow sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan magaalada madaxda Somaliland.

Coldoon ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho, wuxuuna ka qeyb ahaa dadkii goob joogga u ahaa doorashadii lagu doortay Farmaajo, tiiyoo ay usii dheer tahay inuu si gaar ah ula kulmay madaxweynaha la doortay.

PUNTLANDTODAY