Waa sidee xaalada magalada Kismaayo xarunta Gobalka Jubbada hoose (Sawirro)

8Kismaayo oo ah Caasimadda saddexaad ee Soomaaliya, xarunta Gobalka Jubbadda hoose iyo caasimadda KMG ah ee Jubbaland ayaa saddexdii sanno ee lasoo dhaafay samaysey isbadal xagga horumarka, is dhexgalka shacabka iyo ammaanka.

Waxay ka kooban tahay 1:Calanleey 2:Farjano 3Faanole 4:Shaqaalaha 5:Guulwade, xaafadahaasi oo badankood facweyn waxaa hoos yimaada laamo kale oo hadda dhismaya, dhalinyarada ayaa ku mashquulsan waxbarasho iyo iney meel iska soo saaraan.

Kismaayo waxay ku tiirsan tahay wax soo saarka xeebta, xoolaha, beeraha iyo illaha kale sida Dekadda iyo Garoonka diyaaradaha, Mamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo madaxwayne Axmed Madoobe ayaa dadaalkiisa isigu geeyay adkeynta ammaanka maadama Kismaayo marxalado kala duwan soo martey una baaahan tahay dib u dhis xooggan iyo maalgashi.

Fursadaha ila muuqda iney banaan yihiiin waxay kala yihiin hirgalinta goobo lagu caweeyo fiiidkii sida Muqdisho oo kale, xarumo ganacsi sida Mall waa weyn. Garoomada roogaga leh ee habeenkii kubadda lagu ciyaaro iyo xarumo dalxiis oo xeebaha laga hirgaliyo maadama Kismaayo ay ku taalo dhowr xeebood oo ay ka mid yihiim Calanleey, Liido iyo Kiboora. Waxaa socda isbadal xoog ku socda waxaa la dajinayaa qorshe lagu qaabeynayo bilicda iyo waddooyinka magalada.
25

24

0j1a6392

21

16

20

19

18

23

17

14

15

13

12

11

C

9

8

7

6

1

0j1a7233

5

4

3

0j1a7191

0j1a7060

2

0j1a7059

0j1a6386

0j1a5507

0j1a7046

0j1a7025

0j1a7018

0j1a6993
Cali Cabdi Ducale
Caliducale1@gmail.com
#Dalnuurshe
Puntlandtoday.com