Shir looga hadlayo arrimo xasaasi ah oo barri ka furmaya Garowe-akhriso

medium_ResxX4Xe
Barri oo Tallaado ah waxaa magaalada Garowe ka furmi doono Shir Ballaaran oo ay ka qayb galayaan Dowladda Federaalka , iyo Maamulada dalka ka jira iyo Ha’yadaha la shaqeeya, waxaana shirka looga hadli doona Caafimaadka dalka.

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda federaalka iyo maamulada Koonfur galbeed , Hirshabeelle iyo Jubbaland ayaa ku sugan Garowe kuwaas oo shalay lagu soo dhaweeyey.

Shirka ayaa diirada lagu saari doona xanuunka Duumada oo inta badan dadka Soomaaliyeed saamayn ku yeelatay, xubnahan ayaa dhamaantood ka socda wasaaradaha caafimaadka dowladda federaalka iyo maamulada gaar ahaan waxda Duumada.

Qorshaha sadex sano ee soo socota lagu shaqayn doono waaxda Duumada ayaa shirka lagu dajin doona , Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaana shirka martigalisay, Muddo labo cisho ah ayuu socon doona sida horay loo sheegay.

PUNTLAND TODAY