Ra’iisul wasaare Khayre oo Mushaharkiisa 100 arday kaga bixin doona waxbarasho

Xasan-Cali-Khayre-oo-Booqday-Ciidamo-5
Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ka dhawaajiyey in 100-arday oo ka baxay dugsiyada sare ee magaaladda Baydhabo uu ka bixin doono waxbarasho Jaamacadeed.

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar oo ka tirsan golaha baarlamanka JFS oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha uu balan qaaday inuu bixin doono kharashka ku baxaya waxbarashada Jaamacadeed ee ilaa 100-arday oo dhameystay waxbarashada dugsiyada sare ee Baydhabo.

Xasan Cali Khayre ayaa noqonaya Ra’iisul wasaarihii ugu horeeyey oo mushaharkiisa waxbarasho kaga bixiya dhalinyaro Soomaaliyeed, haday tallaabadan run noqotana waxaa laga yabaa inu dhici soobo Mowshinka xubno kamid ah baarlamaanku wadaan.

PUNTLAND TODAY