Qarax lagu hoobtay oo Muqdisho ka dhacay iyo masuuliyiinta dowladda oo amar adag bixiyey

qarax-muqdisho-640x407
Ugu yaraan labo qof ayaa ku geeriyootay sagaal kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa uu ku qarxay Waddada Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho.

Labada ruux ee qaraxa ku geeriyootay ayaa mid ka mid ah waxa uu ahaa qof natiise helige ah oo doonayay inuu dbibaateeyo shacabka, waxana durbadiiba goobta gaaray ciidamada amniga oo halkaasi ka sameeyay howlgallo baaritaanno ah.

Afhayeenka ciidanka booliska Gaashaanle Sare Qaasim Axmed Rooble oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in naftii halige ka tirsan NAl-Shabaab uu ka dambeeyay falkaasi, isagoo xusay in falkaasi aanu u dhicin sidii uu dhagarqabuhu rabay.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxa ayaa la gaarsiiyay goobaha caafimaadka.

Intaas kaddib gaadiidka Nadaafadda gobolka Benaadir ayaa goobta soo gaaray, kuwaasi oo waddada ka bilaabay howlo nadaafadeed.

Xigasho Radio Muqdisho.

PUNTLAND TODAY