Qaramada Midoobay oo sheegtay in dad kor u dhaafaya 100 ruux lagu dilay dalka Koongo

Ciidanka ayaa beegsaday kooxda lagu magacaabo: Kamwina Nsapu militia group bartamaha Jamhuuriyadda Afrikada dhexe,waxaana isku dhacyadaasi ku dhintay ugu yaraan 101 ruux  oo ay ku jiraan 39 haween ah intii u dhexaysay  9Feb ilaa 13 Feb sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Warbixinta oo la soo saaray Talaadada Maanta ah ayaa xustay in ciidanku ay rasaas la dhaceen ciddi ay arkaan oo ka tirsan Kooxdaan dagaallamayaasha ah oo badi ku hubaysan Baangado iyo Warmo.

Bilihii ugu dambeeyay ayaa waxaa socday isku dhacyo dhex maraya ciidanka ammaanka iyo kooxdaan oo doonaya in ay u aargudaan hoggaamiyahoodii la dilay Kamwina Nsapu.

PUNTLANDTODAY