Puntland Yey Dulmane u tahay ?

sh

Intaan su’aashan jawaabteeda uguda galin aan wax yar ku nasto oo tooshka la dul tago hordhac yar oo ku saabsan meesha laga rabay Puntland inay joogto Maanta.

Dowladda Puntland waa 18 sano jir aan joogin meeshii laga rabay Maanta midaas oo ka markhaati kacaysa dib u dhaca ku yimi horumarkii iyo dowladnimo wanaagii la doonayey inay ku talaabsato , balse waxaa meesha ku jirah oon cidna ka qarsoonayn in waxbadan laga qabtay hormarka iyo hanaanka dowladnimada waana sababta keentay inaan ka faaloodo hormar la doonayey in laqabto.

Habada aan u imaado jawaabta su’aashan, Dowladnimada puntland iyo shacabkeeduba waa dhibane waxayna dhibane u yihiin labo qolo oo kala ah
Hogaamiyaal aan shacabka reer puntland soo dooran balse iibsada kursiga waxbadana hagranaya laamihii sharci ahaan la xisaabtami lahaane daboolay .

Dowlad maqaarsaar ah oo xamar fadhigeedu yahay.

Labadaan qodob waxay dhibaato aad uwayn ku yahaan shacabka reer puntland oo ayagu ka nabad galay dagaaladii sokeeye ee somaliya curyaamiyey iyo qulqulatooyinka diinta ku adeegta midaas badalkeena waxay ahayd in shacabka puntland helaan hormar ka baaxad wayn kay manta haystaan.

Hogaamiyaal aan shacabka reer puntland soo dooran
Dowlada puntland waxaa soo maamulay tan iyo asaaskeedii 5 madaxwayne oo kala ah
Col. Abdulahi Yusuf Axmed (AUH)
Maxamed Abdi Xaashi
Gen. Maxamud Muse Xirsi (Cade Musse)
Dr. Abdirahman maxamed Maxamuud Faroole
Dr.Prof. Abdiwali Maxamed Ali Gaas

Madaxdani waxay puntland soo maamulayeen mudo 18 sano ah mana jiro mid ka mid ah oo shacabka puntland si xor ah u soo doorteen, balse 4 kamid ah waxaa soo doortay 66da baaramarka puntland ka koban yahay marka laga reebo Maxamed Abdi Xaashi oo mudo 6bilood ah hayey xilka madaxnimada kadib markii AUH Col. Abdulahi Yusuf Axmed loo doortay madaxwaynah dowladii kumeelgarka ahayd ee Somalia 2004tii, markaas uu xilka si kumeelgaar ah uqabtay.

Xasuusinta taarikhdan kooban ujeedka aan ka lahaa ayaa ah in shacabkeena puntland aan marna fursad loosiin ay ku doortaan madaxwayne ay la xisaabtami karaan oo ayagu ku xusheen hogaamintiisa, aqoontiisa, waayo aragnimadiisa iyo kartidiisa, dibdhaca iyo dulmiga shacabka wanaaga, samaanta iyo dulqaadka ku caanbaxay ee reer puntland ka haysta xaga madaxda hogaaminaysa wadanka ayaa ah kaas.

Dhinaca kale madaxdani badankodu waa rag qurbaha ka yimi oo haysta dhalashooyin wadamo kale caruurtoodii iyo xaasaskoodina dagan yihiin wadamo kale midaas meesha ka saaraysa u hagarbixida shacabka puntland, saaxiibada ugu dhaw ee shaqada waa kuwa ka yimi badankodu qurbaha mana jirto fursad badan oo la siiyo aqoon yahan ka wadanka wax ku bartay oo u soo joogay dhibaatooyinki wadanku soo maray midaas oo wada uxaarta in dhalinyaradu wadanka isaga hayaanto.

Hormarka ay gaartay Dowlada Puntland 18kii sano
Dowlada puntland ilaa intii dhidibada loo taagay waxaa la qabtay hormar baaxad leh sida
Hanaan dowladi ah
Ciidan noocyo badan
kaabayaal dhaqaale sida wadooyin iyo ayrabooro
Adeega bulshada sida waxbarashada, caafimaadka iyo adeegayada kale oo asaasiga ah

Maxaan laqaban oo laga gaariwaayey mudadaas?

Waxaan jirah dib dhac wayn oo xaga baahinta maamulka ah iyo nidaamkii asxaabta badnaa oo asaguna meesha ka maqan midkaas oo runtii fursado badan siinlahaa siyaasiyiin iyo aqoon yahan badan oo dalka iyo dadkaba u adeegi lahaa iyo sidoo kale shacabka oo dooran lahaa hogaanka ay u arkaan inuu ku haboon yahay xafiiska.

Musuqmaasuq: waxaa jirah musuqmaasuq aad u baahsan oo dhinaca maaliyada iyo shaqaalaysiintaba leh kaasoo runtii hortaagan koboca dhaqaalaha dowlada puntland, sababaha horseedana waxaa kamid ah inaysan jirin haayadihii ku shaqada lahaa ladagaalanka musuqmaasuqa, sida Hantidharka guud iwm.

Taas oo wakhti xaadirkan horseeday inaysan gabi ahaamba wax mushahaar ah qaadan ciidanka qalabka sida ee puntland oo aysan shacabka puntland la aantiis seexanlahayn iyo shaqaalaha dowlada oo xafiisyada dowlada uga shaqeeya si mutadawacnimo ah!iyagoon lasiin waxay xaqa u layaayeen.

Cadaalad daro: waxaa jirta cadaalad daro ay qabaan dadka shacabka ah ee reer puntland anoon ku salaynayn arimo laxiriirah qabiil, cadaalad daradaas waxaa sabab u ah nidaamka dowliga ah ee puntland ka jirah ayaa ah mid aan soo jiidan Karin in qof lagu doorto aqoontiisa, shaqadiisa,kartidiisa, iyo waayo aragnimadiisa waayo nidaamka ayaa ah mid qabili ah oo waa in layska wada dhex arkaa! Waana dulmi haysta aqoon yahan ka mustaqbalka fiican ee shacabka puntland waxaana looga guuri karaa qof iyo cod!.

Gobolo maqan: waxaa jirah gobolo ka maqan gacanta puntland, goboladaas oo shacabkii daganaa ay runtii ka hareen goboladii kale ee puntland xaga hormarka iyo nabadgalyada .

Sida gobolka sool oo runtii aan indhahayga ku soo arkay dib udhaca haysta iyo sida uu gobolku u yahay xeryo military oo ay isku horfadhiyaan puntland iyo Somaliland.

Doorkii Isimada Puntland: waxaa jirah maqnaanshaha doorkii madaxda dhaqanka oo ahaa kuwa ayagu marjac ah markasta, door wayna kulaa dhismaha dowlada puntland iyo kashaqaynta nabad galayada.

Isimada puntland ayaa waagan dame uu ka dhexeeyey khilaaf iyo kala aragti duwaanan la xirrirta siyaasada kala aragti duwaanata madaxda dhaqanka puntland ayaa ah mid waxwayn ugu fadhiya shacabka puntland iyo dowladnimadoodaba.

Doorkii aqoonyahanka: puntland waxay leedahay aqoon yahan aad u badan oo leh karti, hufnaan, aqoon, waayo aragnimo iyo xilkasnimo ay wax kaga badali karaan nidaamka dowliga ahee puntland ka jirah hada, iyo sidoo kale kobcinta dhaqaalaha iyagoo abuuri karah furso dhaqaale oo dayar badani ay ka shaqayn karaan.

Shacabka puntland waxay dhibaato aan lasoo koobi Karin ku qabaan dowlada xamar fadhigeedu yahay, midaas haba yaraateeh dowlada puntland iyo shacabkeedu aysan ku qabin wax faaido ah, balse 24 ka saac ku haysa dhibaato siyaasi ah iyo mid dagaal toos ahba.

Dhibaatooyinta siyaasiga ah: dowlada puntland iyo shacabkeedu waxay dhexda uxirteen sidii loo helli lahaa dowlad dhexe waxayna riyadaas adag ay qabeen mudo 18sano ah, sabihii loo asaasay puntland ayey ka mid ahayd raadinta qaran somaliyeed, abaalkaas iyo dadaalkaas waxaa dowlada puntlad iyo shacabkeeda loogu badalay hagardaamo siyasadeed .
Waxyaabaha ka markhaanti kacaya waxaa kamid ah. Ugu yaraan 7 heshiis oo wadagaleen puntland iyo dowlada xamar fadhigeedu yahay ay dhamaanba kabaxdo dowladda fedaralk.

,
Waxaa heshiis yadaas kamid ah: Garowe 1 iyo 2 ,shirkii Galkacayo ,2 heshiis raysalwasaare cumar Cabdirashiid galay dwoalda puntland xiligii xilka yahay Dr. Abdirahman maxamed Maxamuud Faroole iyo hada oo uu hayo Dr.Prof. Abdiwali Maxamed Ali Gaas.

Heshiiskii uu lagay dowladda Puntland raysalwasaare Saacid shirdoon midkaas oo xilkiisi u wayey
Heshiiskii raysulwasaare Abdiwali Sheikh Axmed oo asaguna aakhirkii heshiiskaas eersaday oo xilkisiina ku waayey.
Markaan intaas uga gudbo dhibaatoyinka xaga siyaasada ah ee dowlada puntland iyo shacabkeeda lagu hardaamaynayo waxaa kaloo jirah dagaal toos ahoo dowlada federalku puntland iyo shacabkeedba ku soo qaaday.

Waxuu madaxwayne Xasan sheikh maxamud marar badan saxaafada kala diriray dowlada iyo shacabka puntlad isagoo ilaaway inay puntland tahay meesha kaliya ee Somalia uu ku lugayn karo isagoon gaari qalilan saarnayn ama Gaal madoobe lasocon.

Waxaana hadaladisa kamidaa “puntland waa 2gobol iyo bar” iyo “Gaalkacayo waa magaalo galmudug”.
Dagaalka tooska ah ee ay dowlada federalku Puntland ku qaaday: waxay dowlada federalku dagaal toos ah ku qaaday magaalada galkacayo oo ciidankii dowladu ay sitoos ah uga qaybqaateen in kabadan 2 jeer kuwaas oo garabsiinaya maamul aan dastuurka federalka waafaqsanayn oo dowladu ka dhistay gobolada dhexe si loogu dhibaateeyo dowlada puntland iyo shacabkeeda.

Waxay kaloo dowlada federalku bishii 3 aad ee sanadkan soo hubaysay Kooxda Alshabab oo ay gacansaar dhawleeyihiin kuwaas dagaal aad iyo uculus kula galay ciidan difaaca puntland ceebaha gobolka mudug iyo nugaal.

Markaad isku dartid 2daan qodob waxaad arkaysaa inay shacabka iyo dowlada puntland yihiin dulmane waayo waxaa lagula diriraa ciidan lagu tababaray lacagaha deeqda aduunku Somalia u siiyo waxaa kaloo lagula diray awood iyo kursi aan qabiil gaar ahi gaysan madaxa federalka.

Shacabka puntland iyo dowladoodu waxay kala garankaraan hagardaamada iyo hormarinta uga imaanaysa xamar waxayna qaadan karaan go aan masiiri ah, uxirnaanta xamar iyo jawaabta ay shacabka iyo dowlada puntland ka helaan xamar waa kaaf iyo kala dheeri!.

Waxay kaloo puntland iyo madaxdoodu garan karaan in shacabka puntland sugi karoh maaweelo iyo riwaayad aan waxba ka soo naaso cadayn .

Eng. Daahir Abshir Farax Jeer
Email: Daahirjeer1@gmail.com
Islamabad Pakistan

PUNTLAND TODAY.