Puntland oo markii ugu horaysay ka hadashay arrinta Qalbidhagax -Akhriso

Wasiir-Bashiirr
Maamulka Puntland ayaa Jamhuuriyadda Soomaaliya ku taageertay arrinta qalbidhagax loogu gacan galiyey Ehiopia, waxayna ku sheegtay tallaabo wanaagsan.

Wasiiru dowlaha madaxtooyada uqaabilsan Xiriirka gobolada Bashiir Cabdiraxmaan Xaaji Gurxan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dowladda Federaalku ay qaatay tallaabo wanaagsan, islamarkaana ay ku saxan tahay inay qalbidhagax u gacan galiso dowladda Ethiopia.

Cabdiraxmaan Gurxan ayaa tilmaamay in Urrurka ONLF aysan jirin cid ay xoraynayaan wuxuu hadalkiisa kusii daray in Jubuuti, Waqooyi bari Kenya , iyo Killinka Shanaad ay ku nool yihiin nabad Hormarna uu ka jiro.

Wasiirka ayaa xusay in kuwa doonaya hadda sheegayana inay doonayaan Soomaali weyn ay wataan tobban oo kala duwan.
Dowladda Etthiopia ayuu sheegay inay Soomaaliya ka caawiso dhan walba, isagoo intaa ku daray in ciidamo ay leedahay joogaan gudaha dalka, kuwaas oo dowladda Soomaaliya ka caawiyo la dagaalanka Al-shabaab.\

Hadalka Puntland ayaa imaanaya xilli dad badan oo Soomaaliyeed ay jahawareer ka qaadeen arrinta Qalbi dhagax, oo xukuumaddu sheegtay in lagu dhiibay heshiis horay dowladdii ka horaysay ula gashay Ethiopia.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku kala aragti duwan yahay dhiibistii Qalbi dhagax , waxaana aqalka sare shalay uu dib udhigtay dood ay ka yeelan lahaayeen , kadib xubno kamid ay mowshin ka keenen in dib loo dhigo arrinta qalbi dhagax.

PUNTLAND TODAY