Maxay tahay sababta rasmiga ah Roobow uga baaqday safarkiisii Baydhabo-Cod

Shiikh Mukhtaar Roobow (Abu Mansuur) ayaa maanka ka baaqday safar uu ku tagi lahaa magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koonfur galbeed , waxaana la filayaa inuu tagi doono maalmaha soo socda.

Afhayeenka maamulka Koonfur galbeed Nuuradiin Yuusuf Abuukar ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in Mukhtaar Roobow uu ka baaqday safar la qorshaynayey inuu ku tago magaalada Baydhabo, ma sheegin sababta keentay baaqashada, wuxuuse warkiisa kusii daray in maalmaha soo socda uu tagi doono Baydhabo.

Nuuradiin ayaa ku sheegay sababta uu Mukhtaar Roobow u tagayo Baydhabo tahay in ay shir wada qaataan masuuliyiinta maamulka Koonfur galbeed, iyo inuu booqdo deegaanka uu kasoo jeedo, wuxuu tagi doona degmada Xudur oo dhalasho ahaan uu kasoo jeedo Abu Mansuur.

Safarka la qorshaynayo inuu ka tago Baydhabo ayaa kusoo aaday xilli uu magaalada ku sugan yahay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya, waxaa sidoo kale maanta tagay magaalada madaxweynaha Koonfur galbeed Shariif xasan Shiikh Aadan.

Halkan ka Dhagayso


PUNTLAND TODAY