Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo xilkii ka qaaday Wasiiru dowlihii xiriirka gobolada -Akhriso

Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cadixakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa xeer Lr-19 September 13 2017, xilka kaga qaaday Wasiirru Dawlihii Madaxtooyada ee Xirirka Gobolada Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland.

Markuu Arkay: Dastuurka Dawladda Puntland.
Markuu Arkay: Habdhaqan lidka ku ah Hannaanka Dawladnimo.
Markuu Garawsaday: Mas’uuliyad darrada uu ku kacay.

Wuxuu Xeeriyey:

⦁Wuxuu xilkii ka qaaday Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Gobolada Puntland Bashiir Cabdiraxmaan Xaaji Gurxan.

⦁Xeerkani Wuxuu dhaqan-gelayaa Markuu Madaxweyne Ku-xigeenka Saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweyne Ku-xigeenku.

Wasiirkan xilka laga qaadaya ayaa dhawaan warbaabinta ka sheegay in Puntand ay taageersan tahay dhiibitaankii Ethiopia loogu gacan galiyey Qalbidhagax.

Gurxan ayaa intaa ku daray in Ethiopia ay Soomaaliya taageerto isagoo xusay in ciidamada ay leedahay joogaan gudaha dalka, kuwaas oo dowladda ka caawiya la dagaalanka Al-shabaab.

Wasiiru dowlihii hore xiriirka gobolada ayaa ONLF sheegay inaysan jirin cid ay xoraynayaan islamarkaana Soomaalida joogta Killinka Soomaaliya, Waqooyi bari Kenya ay ku nool yihiin nabad iyo Hormar.

Halkan ka Akhriso Degreetada

page-0 (1)

PUNTLAND TODAY