Madaxwaynaha cusub ee Somalia oo maanta xilka si toos ah ula wareegay (Sawirro)

Muqdisho(Puntland Today) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si rasmi ah xilka uga la wareegay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Munaasabadda xil wareejinta waxa ay ka dhacdey xafiiska madaxweynaha, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Faylka Qaranka ku wareejiyey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Sidoo kale madaxweynihii hore ayaa Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ku wareejiyey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xil wareejinta kaddib, madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa uga mahadceliyey madaxweynihii hore, dedaalkiisii uu dalka ku soo hoggaamiyey afartii sanno ee uu xilka hayey, waxa uu sheegay in Soomaaliya ay u bilaabatay waqti cusub oo shaqo adag ay wada qaban doonaan shacabka iyo dowladda.

“shacabka Soomaaliyeed waxaan ka rabaa in ay fahmaan sida dowladda ay ugu baahan tahay taageeradooda, waxaa lagama maarmaan ah in dowladda la siiyo waqti ku filan, waxba kuma qaban karno bilo kooban, laakiin waa inaan is cafinnaa oo aan u istaagnaa nabad-galyada iyo horumarinta dhaqaalaha dalka” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha dalka, ayaa u mahadceliyey beesha caalamka sida mar walba ay uga go’an tahay garab istaagga Soomaaliya, waxa uu ballan-qaaday in shacabka Soomaaliyeed uu u soo dhisi doono dowlad hanata kalsoonidooda, isla markaana la tartanta caalamka laakiin shacabiga Soomaaliyeed ayuu u sheegay in iyagana looga baahan yahay in la tartamaan bulshada caalamka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u mahadceliyey dhammaan hey’adaha dowladda, ciidammada Qalabka sida AMISOM, shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka oo uu xusay in la’aantooda la soo gaari lahayn marxaladdan dimoqoraadiga ah, sida ay ula soo shaqeeyeen afartii sanno.
0J1A5809

0J1A5810

0J1A5811

0J1A5812

0J1A5813

0J1A5925

0J1A5940

0J1A6035

0J1A6036

0J1A6048

0J1A6132

0J1A6172

0J1A6226

0J1A6229

0J1A6248

0J1A6251
—DHAMAMAAD—