Jubbaland:- Riyo Rumowdey

Jubaland waa qayb muhiim ah oo kamid ah dowladnimada dalkeena waana tiir kamid ah tiirarka nidaamka ku dhisan federalka ee dalkeenu uu ku dhisan yahay joqraafi ahaan jubaland waxaa ay dhacdaa konfur galbeed soomaaliya waana dhul hodon ah marka laga eego dhan walba alle waxaa uu ku maneystay dhammaan khayraadkii kala duwana ee dhulweynaha Soomaaliya alle ku galaday. Gedo ,Jubbada hoose iyo Jubbada dhex waa gobolada ku midobay dowlad goboleedka soomaaliyeed ee jubaland oo hadda dhamman ay u dhameystiran yihiin hay’adihii dowliga ah sida hay’ada fulinta hay’adaha sharci dajinta iyo hay’ada garsoorka sidoo kale waxaa u kaamilan hay’adaha afarta ah ee ciidan oo kala ah booliska,asluubta,darwiishta iyo nabadsugida iyo sirdoonka oo qayb ka ah ciidamadda qalabka sida ee dalkeena soomaaliya. Mudane Axmed Maxamed Islaam waa madaxweynaha jubaland waana qofka sababta u ah nabada iyo xasiloonida hadda ka jirta jubaland oo kasoo kabatay bur burkii iyo colaadihii ragaadiyay gobolada ku mideysan jubaland. Madaxweynaha jubaland iyo hay’adaha kale ee dowliga ah ee jubaland waxaa ay ka bilaabeen meel maran oo aysan jirin dakhli iyo nidaam dagsana ka hor iyaga inta aysan bilaabin nidaamka dowliga ah ee hadda ka jira jubaland. Deegaanadu waxaa ay magan u ahayeen burcad diimeedyo huwana magacyo kala duwan dadkuna waxaa ay la ildarnaayeen tacadiyada iyo gumaadka arxan darada ah ee ay kala kulmi jireen argagixisada al shabab iyo inta u adeegta ama ku fekerka ah.

Wax walba way isbadaleen xiligaan waxaan hantay hogaaminta dadka iyo deegaanada maamul ay soo dhisteen uuna doorteen qofkii ugu mudnaa oo ay u arkeen in uu yahay qofka kaliya ee samatabixin kara marka laga eego dhan walba oo ay ugu baahi badnayeen amni iyo xasilooni waarta oo ka hirgasha jubaland,waxaana ay madaxda nimada ku aamineen mudane sheikh axmed maxamed islaam .

Magaalada kismaayo oo ah xarunta kumeel gaarka ah ee jubaland waxaa ay kaalin weyn ka ciyaartay geedi socodka hanaanka doorashooyinka barlamaaniga ah ee dalka oo gabo gabi ku dhow, isku keenida madaxda dowlad goboleedyada oo siyaasad ahaan aad u kala foga iyo hirgalinta jawig dagaanan ku dhisan. Axmed Maxamed Islaam madaxweynaha jubaland waxaa uu dhisay hay’ado awood buuxda u leh gudashada waajibaadka qaran ay u xilsaaran yihiin kuwaas oo kaalin weyn ku leh hormarada kala duwan ee jubaland Gaarsiinta xogta dowlada shacabka waa u muhiim si ay kula socdaan hormarada iyo howlaha ay dowladu ay wado loona gaarsiiyo fariimaha dowliga ah, Taa waa mid u muhiim u ah dowlada curdinka ah Jubaland oo maanka ku haysta mida waxaa ay sanad ka hor hirgalisay warbaahin u gaar ah oo ka kooban muuqaal baahiye cod baahiye ama TV-iyo RADIO.

Warbaahintaan cusub waxaa ay u baahan tahay garab gal maaliyadeed aqoon karti iyo hufnaan maamul oo kazoo dhalaala doorka laga sugayo JubalandTV iyo radio kismaayo intaba way heleen waxaana agaasime looga dhigay xiliga qofkii u mudna waana agaasime cabdinaasir axmed sheikh bashiir saxan saxo wuu xooga saaray sidii loo abuuri laha hay’ad warbaahin oo dowliga ah misna wax badan kaga duwan warbaahinta kale ee dalka ka jirta Waaxda barnaamijyada JLTV waxaa ay ku guuleystay in ay haarto dhaman qaybaha kala duwan ee bulshada jubaland iyadoo la timi Barnaamijyo lagu dhisaayo garaadka Shacabka Soomaaliyeed ee kala irdoobay iyo ku dhiiro galinta wax wada qaybsiga mudadii sanadka ahayd waxaa ay baahisay sadex kun oo Barnaamijyo ah. Yusuuf Xasan Salan cadaani oo ahaa agaasimahayga waaxda barnaamijyada wuxuu inagu dhiiro galin jiray in aan dadka soomaaliyeed ku dhiiro galino isku filnaansho oo aan kula hadalo barnaamijyada aan soo saarayaasha ka nahay markaas. Qoraa Sharma’arke Maxamed Warsame Sgardarro2013@gmail.com LA SOCO QAYBTA XIGTA INSHA ALLAHA