Duulimaadyada Diyaaradaha Muqdisho Oo La hakinayo

Muqdisho-(P-TODAY)-Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada ayaa sheegtay in duulimaayada garoonka la hakiyay 22-ka bishan, maadaama ay ku beegan tahay maalinta ay dhaceyso munaasabada caleema saarka Madaxweynaha Cusub.

Sababta loo sii sheegay ayaa Ah inay la sii socdaan shirkadaha duulimaadyada si aanay maalintaas ugu ku soo beegin duulimaadyada rakaabka ah.

Duulimaadyada la hakiyay ayaa isugu jira kuwa dadweynaha iyo diyaaradaha hey’adaha caalamiga ee ka soo degi jiay garoonka.

Qaban qaabada xaflada caleema saarka Madaxweyne Farmaajo ayaa ka socota magaalada Muqdisho, waxaana maalin ka hor la magacaabay Guddi ka shaqeynaya caleema saarka oo ah Wasiiro.

Munaasabada caleema saarka Madaxweynaha cusub ayaa la filayaa inay ka soo qeyb galaan Madax caalamka ka socda, waxaana la sheegay in ammaankana si aad ah loo adkeynayo.

Hadana Waxaaba la siixiray Qaar Kamid ah Wadooyinka Ugu Muhiimsan ee Caasimadda, Si Looga Hortago Falal Lid Ku Ah Amniga Oo Dhaca.

PUNTLANDTODAY