Duqa Garowe ”Waxaan buundo saari doonaa wadada Isbitaalka aada”

Duqa cusub ee Garowe Xasan Goodir: sawirka waxaa qaaday Cali Ducale

Duqa cusub ee Garowe Xasan Goodir: sawirka waxaa qaaday Cali Ducale

Garowe(P-Today) Waxaa 20-la bisha Agoosto ee 2015 magalada Garowe gollaha deegaanku ku doortaan duqa iyo ku xigeenkiisa, ka dib doorasho lagu qabtay xarunta PDRC.

Haddaba Maayarka cusub ee Garowe Mudane Xasan Maxamed Ciise (Goodir) ayaa khudbadiisii kusoo bandhigay waxa uu qaban doono o dhammaantood ka maqan caasumadda. halkan ka akhriso khudbadiisii oo qoraal ah.

Khudbadii Duqa degmada Garowe Xasan Goodir- 20-08-2015

Anigoo ah Xasan Maxamed Ciise (Goodir) waxaan ahay Murashax u taagan xilka gudoomiyaha gollaha deegaanka degmada Garowe iyo duqa Caasumadda Puntland.

Haddii aad i siisaan codka kalsoonida waxaan hortiina ka ballan qaadayaa aniga oo la kaashanaya gollaha deegaanka Degmada Garowe, guddiyada dowladda hoose, waaxyaha dowladda hoose, guddiyada xaafadaha iyo tuulooyinka, aqoonyahanadda, gollaha dhaqanka, ururada haweenka, ururada dhaliinyarada, iyo dhammaan bulshada Puntland in aan ku shaqayn doono daacadnimo, caddaalad, hufnan iyo hawl karnimo si caasimadda Puntland yo degmada hoos yimaada. horumar ballaaran oo waxtar leh loo gaarsiiyo mudada shanta sano ah e soo socda Alle idinkiis.

1.GOLAHA DEEGAANKA

  • Waxaan xurrmo iyo qaddarin kula shaqayn doonaa xildhibaannada gollaha deegaanka waxaan ka shaqayn doonaa midnimadooda.
    Gollaha deegaanku wuxuu dhammaantiis ka wada howl geli donaa shaqda horumarinta degmada, Aniga oo u qeexaya in ay tahay masuuliyad wadraeed mudan in la wada guntado.
    Waxaan ku shaqayn doonaa miisaaniyadda goluhu ansixiyaaan, aniga oo diyaar u ah dhiirigalinta la xisaabtan joogto ah.

2.NABADGALYADA.

  • Waxaan xoogga saari doonnaa ammaanka caasumadda iyo dhammaan degaamada hoos yimaada mamulka degmada Garowe.
    Waxaan kot u qaadi doonaa tayada ciidanka D/Hoose iyo dhammaan laamaha amnga degmada.
    Waxan abaabuli doonnaa bulshada si aan u helo bulsho wacyi gashan, waddaniyad xambaarsan, ku kalsoon dalkooda ciidankoodana la shaqaysa.
    Waxaan dhisi doonaa guddiyo xaafadeed o tayo waxqbad leh, iyadoo aan xoojin doonno awooddooda iskuna xiri doonno kuwaas oo leh siyaasad ay ku shaqeeyaan oo dowladda hoose maamusho.
    Waxaan abuuri doonnaa jawi u sahla in muwaaddin kastaa ka qayb qaato nabad gelyada.

3.CAAFIMAAD.

  • Waxaan wax ka qaban doonnaa biyaha xilli roobaadka wadooyinka xaafadaha fariista, iyadoo aan u arko khatar aan la sii eegan karin.
    Waxaan abuuri doonnaa nidaam biyuhu magalada ku dhaafaan (Drainage) iyadoo maalgelin loo raadin doono.
    Waxaan casriyeyn doonna habka ururinta iyo maareynta qashinka, waxaan ka shaqayn doonnaa in aanu hawl gelino aqoon yahanada iyo dadka khibradd u leh maaraynta hawshan si ay noogu caawiyaan, Annagoo ujeedadayadu tahay in caasimadda Puntland noqoto mid ka mid ah kuwa ugu bilicda wanaagsan Caasumadaha wadamada Gobalka.
    Waxaan dib u habeyn weyn ku sameyn doonnaa kawaanadda gawraca xoolaha,suuqyada hilibka iyo kuwa qudaarta, waxaan abuuri doonnaa suuqyo cusub oo casri ah lana jaanqaadi kara korintaanka magalada.

4.WAXBARASHAD.

  • Waxaan kor u qaadi donnaa barashada iyo ku dhaqanka diinta islaamka anagoo la kaashanayna culimaa’udiinka.
    Waxaan ka qayb qaadan doonnaan abuurista iyo taageerada waxbarashada meelaha aan lahayn ama tayadoodu hoosayso, sida degaamada barakacayaasha iyo dadka danyarta ah.
    Waxaan abuuri doonnaa barnaamij waxbarashada talooyin lagu caawiyo, si aan deegaamada loo soo bannayn.

5.WADDOOYINKA.

  • Waxaan horumarin doonnaa waddooyinka Caasimadda, waxaanna dayactir ku samayn doonna waddada laamiga ah ee weyn laga bilaabo koontaroolka galbeed ilaa buundada bari.
    Annagoo la kaashanayna Hay’adaha caalamiga ah, dowladda dhexe ee Puntland iyo ganacsatada waxaan dhisi doonnaa wadooyin laami ah oo ay ka mid yihiin waddada Gen,Nuur Salaad (Glabal), waddada Shiikh Cabdisalaan (Al-Nasar), waddada bulsho, wadda masaajidka Jaamaca ilaa suuqa Fadhi xun, waxaan buundo saari doonnaa wadada Isbitaalka guud, Waxaan bari iyo galbeed u siyaasin doonnaa wadada laamiiga ah ee soddanka.
    Waxan furi doonnaa jid caddayaasha xirmay, waxaanna ballaari, toosin iyo dayactir carro-kaawo ah ku samayn doonaa waddooyinka jidcaddayaasha muhiimka ah ee magalada.
    Waxaan abuuri doonaa barxado cusub waxaanna uruxin iyo dayactir ku samayn doonnaa barxadaha hadda jira.
    Waxaan dhireyn xoogle ku samayn doonnaa magalada sida waddooyinka,barxadaha, xarumaha dowladda , goobaha caamaka ah iyo guryaha dadweynaha.
    Maaddama hantida guud ee bulshada lee dahay ay laamiyadu yihiin kuwa ugu qaalisan, waxaan ku dadalaynaa in aysan noqon kuwo burbur iyo dayac ka muuqdo isla markaana dhismahoodu yahay mid tayo leh.

6.DHULKA.

  • Waxaan samayn doonnaa siyaasad cad oo dhulka lagu maamulo, isla markasna gollaha deegaanka meelmariyo si loo yareeyo khilaafaadka dhulka.
    Siyaasadda dhulka waxay ahaan doontaa mid qeexda isticmaalka dhulka sida deegaan magaalo, dhul beereed, daaqsin iyo dhulka danta guud.

7.DEEGAANKA.

  • Waxaan su adag ula dagalami doonnaa dadka ku hawlan xaalufinta deegaanka sida dhuxusha iyo xaabada, waxaan intii aan awoodno ku dadaali doonnaa in aan hormuud ka noqono bad baadinta kaymaha, dooxooyinka, ugaarta ,dhirta iyo daaqa.
    Waxaannu ku dadaali doonnaa u fududaynta ganacsatada kenista gaaska la shitto iyo noocyada kale ee tamarta. Si ay ugu yimaadaan qiime jaban oo danyartu gadan karaan, loogana kaaftoomi kao howlaha kale e deegaanka wax yeelaya.
    Annagoo la kaashanayna wasaradda Deegaanka, waxaan u qareemi doonna dhulka boholuhu ka dillaaceen ee bad baadinta u baahan, waxaan ilaalin donnaa dhulka daaqsintaah iyo meelaha aan ku habbooneyn in la deegaameeyo.

8.MAALIYADDA DOWLADDA HOOSE.

  • Waxaan kicin doonnaa canshuuraha annag gaarsiin doonna dhammaan deegaamada degmadu ka kooban tahay oo idil.
    Waxaan abuuri doonnaa ilo dakhli canshuureed cusub.
    Waxaan bulshada usoo bandhigi doonnaa xisaab cad iyo waxa loogu qabtay canshuuraha ay bixiyaan.
    Dhaqaalaha Dowladda Hoose wuxuu ahaan doonaa mid ku baxa meeshii loo qoondeeyay.
    Waxaan bulsahda u addeegaynaa annagoo kala garanayna hantida dadwaynaha iyo tan gaarka noo ah.
    Waxaan codsanayaa, soo dhaweynayaa isla markasna ahaantaana dhiirigelinayaa in hantida aan gaarka u lee yahay la diiwaan galio inta aanan xilka qaban.

9.QODOBADA GUUD.

  • Waxaan samayn doonnaa la taliyaal aqoon yahanno ah, kuwaas oo degmada kala talin doona qorshayaasha horumarineed ee ay ku talaabsanayso.
    Waxaan abuuri doonnaa barnaamij dadku horumarka degaankooda kaga qayb qaadan karaan.
    Waxaan abuuri doonnaa qorshe bulshada lagu wacyi gelinayo si ay u noqdaan kuwo midaysan, dalkooda jecel kuna kalsoon, horumarkiisana kaalin firfircoon oo muuqdata ka qaata.
    Waxaan si dhow ula shaaqeyn doonnaa golaha dhaqanka oo maamuus weyn ku leh jiritaanka Puntland.
    Waxaan abaabuli doonnaa ganacasatada Caasimadda si aanu wadajir uga shaqayno horumarka caasimadda iyo kan degmada.
    Waxaan abaabuli doonnaa qurba joogta Puntland si ay uga qayb qaataan horumarinta caasimadda iyo guud ahaan Puntland.
    Waxaan dhisi doonnaa qaybta dabdemiska dowladda hoose oo dabooli karta baahida gurmad ee degmada tiro iyo tayo ahaaanba.
    Waxaan nalayn ku samayn doonnaa Jidadka magaalada si ay bilicda, ammaanka iyo isu socodka dadweynuhuba horay ugu sii maraan.
  • Ugu danbeyntii. mudayaal iyo marwooyin haddii ad codka kalsoonida i siisaan waxaan hogaamin doonaa maamul ay ka go’an tahay in caasimadda Puntland tusaale u noqota casumadah kale ee gobalka, soona jiidato maalgashi balaaan gudo iyo dibedba.
  • Waxaan Allaah awoodda leh weydiisanayaa in uu dhammaan howlaha aan kor u xusey oo dhan inta aan ta tegayba ii fududeeyo… AAAAMIIIN AAAMIIN.

Cali Cabdi Ducale
Puntlandtoday.com
Puntlandtoday1@gmail.com