Daawo Puntland oo daah furtay barnaamij dib loogu soo celinayo dadkii hayaamay

18341634_795111407311050_5178623076810679569_n
Garowe-(P-today)- Madaxweyne ku xigeenka Puntland aha sii hayaha xilka madaxweynaha ayaa maanta daah furay barnaamij dib loogu soo celinayo dadkii u hayaamay gobolada Bari iyo Kar kaar ee Puntland kuwaas oo ka kala yimi deegaanada Soomaaliya.

Kullan uu maanta la qaatay saraakiil ka tirsan Ha’yadda FOA iyo guddiga dib uso celinta dadkii hayaamay ayaa looga hadlay sidii dadkaas deegaanadoodii dib loogu celin lahaa.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Camay ayaa warbaahinta u sheegay inay maana daah furayaan barnaamij dib deeganadoodii loogu celinayo dadkii reer guuraga ahaa ee ku hayaamay robaabkii ka da’ay gobolada Bari iyo Kar kaar.

Kullanka uu maanta la qaatay madaxweyne ku xigaanka Puntland saraakiil ka tirsan Ha’yadda FOA iyo guddiga dib u soo celinta dadkii hayaamay ayaa kusoo aadaysa xilli uu shalay Camay kala hadlay ku xigeenka Ha’yadda UNICEF iyo sidii ay qayb u qaadan lahayd gurmadka dadka abaaruhu samaayeen ee deegaanada Puntland.

Halkan ka daawo Muuqaalka.

PUNTLAND TODAY.