Daawo badda oo kusoo jabtay magaalada Caluula iyo qalo dhaan ay dirayaan maamulku

fatahid-badda-Kismaayo-2

Garowe-(P-today)- Shacabka iyo maamulka Degmada Caluula ee gobolka Gardafu ayaa ka cabanaya Khuuri ama Kalaan dhanka badda ah oo kusoo jabay waxayna sheegeen in guryaha dhanka badd ah waxyeelo ugaystay.

Gudoomiyaha gobolka Gardafu  Cali Shire Maxamuud Cismaan  oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay in Kalaanku uu kusoo jabay isagoo xusay inuu waxyeelo gaystay.

Cali Shire ayaa tilmaamay in biyo badan ay soo galeen qaybo badan oo magaalada ah,  islamarkaana aysan waxba ka qaban karin isagoo hadalkiisa ku daray  in magaaladu kala xiran tahay.

Gudoomiyaha ayaa carabaabay in arintaan ay caqabad ku noqotay isku socodka dadka iyo howlaha kale , isgaoo ku sababeeyey soo jabitaanka kalaanku dabaylo dhacayey islamarkaana keenay in kalaanka ka xirmo dhankii uu badd kaga darsami jiray taasna ay keentay in magaalada biyuhu soo galaan.

Gaba gabadii wuxuu qalo dhaan udiray dowladda , Ha’yadaha iyo guud ahaan shacabka in looga soo gurmado arintaan.

Halkan ka Daawo codka gudoomiyaha gobolka Gardafu.

PUNTLAND TODAY.