Burcad-badeedda Soomaalidu”Bilcad labo ka jirimayso”.

Garoowe-(P-TODAY)-Weerarrada burcad-badeedda Soomaalida ayaa dib u soo laabtay sannadkaan,kadib muddo 5 sano ah oo aan wax af-duub ah ka dhicin xeebaha Soomaaliya,waxaana sababta ugu weyn ee dib usoo laabashada burcadda loo aaneynayaa jariifka ba’an ee doomaha iyo maraakiibta shisheeye ku hayaan xeebaha Soomaaliya.

Af-duubkii ugu horreeyey ee sannadkaan ayaa lagu qafaashay markabka ARIS 13 14 Maarso maalin Talaado ah,xilli uu gooshayey meel qiyaastii 18KM u jirta xeebta bari ee Soomaaliya,isagoo ka yimid dekedda magaalada Jabuuti,kuna sii jeeday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Markabka ayaa waxaa af-duubtay 6 nin oo saddex kamid ah kasoo jeedaan degmada Caluula,halka saddexda kalena ka soo jeedaan Baargaal,waxaana loo ka xaystay dhinaca degmada Caluula ee gobolka bari,balsePuntland ayaa dirtay ciimadamo isugu jira Daraawiishta iyo kuwa badda ee (PMPF),waxaana saddex beri kadib lagu guulaystay in la siidaayo markabka iyo shaqaaliihii saarnaa 17 Maarso maalin jimce ah.

Af-duubkii Labaad .

Burcad-badeed Soomaaliyeed ayaa 1 bishaan af-duubay doonni yar oo ganacsato Soomaaliyeed u rarneyd,xilli ay maraysay meel u dhexaysa Jasiiradda Soqotra iyo xeebaha Somaliya,kuna sii jeedday dekedda magaalada Kismaayo oo ay ku dejin lahayd badeecado iyo shidaal ay ka keentay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Doonnida  AlKowsar  oo laga leeyahay dalka India ayaa waxaa xilliga la af-duubay saarnaa 10 shaqaale ah oo dhammaantood ka soo jeeda Waddanka India,iyadoo muddo 11 beri ah lagu haystay xeebaha gobolka Mudug,gaar ahaanna xeebta degmada Hobyo,waxaana la rumaysan yahay in ay soo af-duubeen 7 nin oo isla gobolka u dhashay,laakiin khilaaf soo kala dhexgalay kooxda uu keenay in saddex kamid ah oo k soo jeeda tuulada Towfiiq ay iskaga tegaan doonta,halka afartii kalena weli gacanta ku sii hayeen.

Af-duubkaas labaadna wuxuu ku dhammaaday fashil,kadib markii ciidanka amniga Gal-Mudug ay hawlgal kooban ku soo furteen markabkii iyo shaqaalihii saarnaa,sidoo kalena ay gacanta ku soo dhigeen afartii nin ee doonta iyo shaqaalaheeda haystay.

Afduubkii Saddexaad.

3 bishaan April ayaa waxaa xeebta degmada Boosaaso ka baxay 9 nin oo wata saxiimad nooca dheerreeya ah,waxayna u qowlaysi tageen dhinaca badda,si ay usoo qafaashaan doomaha iyo maraakiibta gooshaya xeebaha Soomaaliya.

Burcad-badeeddaan ayaa maalintii Isniinta ee 3 bishaan ka shiraacday xeebta degmada Boosaaso,gaar ahaan’Boqolka buush’,waxayna  muddo lix beri ah saarnaayeen badda iyagoo ay ka go’een biyihii iyo cuntadii ay siteen,waxase u suurogeshay maalintii Axadda ee bishaan 9-ka ahayd in ay fuulaan markab ganacsi oo laga leeyahay Jasiiradda Tuvalu,xilli uu gooshayey xeebta galbeed ee dalka Yemen.

Markabkaan ganacsi ayaa waxaa fuulay saddex kamid ah burcad-badeeddii sagaalka ahaa,halka lixdii kalena ku hareen saxiimaddii,si ay u galbiyaan markabka,balse markabka ayaa gurmad ka helay markab kale oo laga leeyahay dalka China,kaasi oo ku sugan biyaha caalamiga ah ee ka baxsan Soomaaliya.

Lixdii nin e e saxiimadda ku haray ayaa rasaas huwiyey markabka China ee u soo gurmaday,kan ganacsiga ah ee u af-duubnaa burcad-badeedda,balse waxaa iska hor-imaad kooban kadib laga itaal roonaaday kooxdii qowlaysatada ahayd,waxaana halkasi lagu dilay labo kamid ah saddexdii markabka fuulay,halka midkii kalena badda isku tuuray.

Lixdii nin ee kale ayaa soo qaatay  maydadka labadii nin ee  dhintay,kuwaasoo uu badda ku xooray markabkii ay fuuleen ee ganacsiga ahaa,iyadoo muddo asbuuc ah aan xog laga helin raggii burcadda ahaa;geeri iyo nolol midna.

Inkastoo markii dambe la helay raggaasi iyagoo labo nin looga dilay weerarkoodii,halka mid kalena looga dhaawacay,iyadoo af-duubkaasina sidoo kale ku soo dhammaaday”Geel doono geeso dhiig leh ayey dhashaa”,islamarkaana lagu fashilmay.dhinaca kale waxaa jira ku dhowaad 20 isku day oo burcaddu ay ku soo dhowaadeen maraakiib iyo doomo ganacsi,balse haddana dib uga maagteen kadib markii ay naftooda u baqeen.

Haddaba burcad-badeedda Soomaalida ee soo labo-kacleeyey ayaa u muqda,kuwo aan”bil cad labo ka jiri doonin”,waayo? Ma haystaan labadii fursadood ee ay haysteen sannadihii 2010,2011 iyo 2012,kuwaasoo ahaa;1) taageero ay ka helayeen shacabka degaannada ay ka hawlgalayeen oo ay xilligaasi ka dhaadhiciyeen in ay badda difaacayaan,balse markii dambe ay u caddaatay dhibaatada burcadda.2)Maalgelin ay ka heli jireen shakhsiyaad caan ah oo Soomaali iyo Ajaanib leh,kuwaasi oo siin jiray hub,doomo iyo lacago,si ay markii af-duub dhaco saamigooda u qaataan.

W/Q:Cabdiraxmaan Ciise Cumar

PUNTLANDTODAY